Tuesday, 23 December 2025

Bisha Rajab๐ŸŒ™

 Waa bilaabatay bisha #rajab ♥️


Rajab waa bishi ay nabiga scw iyo saxaabada rc ku samiyeen: ุงู„ุดู‡ุฑ ุงู„ุฃุตุจ

๐ŸŒฑ

Waayo Allah sw wuxuu shubaa risqiga iyo kheyrka shubitaan aan caadi aheyn.

๐ŸŒฑ

Waxayna arki jireen in bish Rajab ay arsaaqadooda siyaadi jirtay, kuwooda xanuunsanna ay caafimaadi jireen.

๐ŸŒฑ

Markaas ayey badin jireen ducada si Alle uga aqbalo oy u liibaanaan.

๐ŸŒฑ


๐ŸŒฑHadduu soon hore kuu harsanyahay haddaba bilaaw qallahiisa ilaahey la kaasho oo dhexda xero wuu kuu fududaan insha allaah.๐ŸŒธ

๐Ÿ•Œ⭐๐ŸŒ™

๐ŸŒฑRajab waa bisha beerashada, shacbaanna waa bisha waraabinta, ramadaanna waa bisha gurashada miraha, ee aan bishan beerano acmaasha wan wanaagsan oo aan hadda sii bilaawno ku camal falkooda si aan bisha shacbaanna usii joogteyno bisha ramadaanna ugu aflaxno oo aan u gaarno anaga oo diyaarsan oo awoodna gudashadeeda.๐ŸŒธ

๐Ÿ•Œ⭐๐ŸŒ™

๐ŸŒฑNafta waxay u baahantahay diyaarin ramadaanna wuxu u baahanyahay u diyaar garow aad u balaaran iyo inaa sii laba jibaarto dadaalkaaga si naftaada aad usii edbiso cibaadadana ay kuugu sahlanaato .๐ŸŒธ

๐Ÿ•Œ⭐๐ŸŒ™

๐ŸŒฑBisha rajab waxay kamid tahay bilaha uu Alle xurmeeyay, ee ka fogoow dunuubta iyo macaasida kuwooda ugu yar iyo kuwooda ugu weynba, waayo macaasida aad ku dhex sameyso bilaha xurmeysan wey ka weyni badanyihiin weyna ka culeys badanyihiin kuwa aad samsyso bilaha kale ee caadiga ah, waayo bilo uu Alle xurmeeyay ayaad adna xurmeyn waysay, iska jooji heesaha, xanta iyo xumaanta iyo inaa qof dulmiso intaba.

Oo taa badalkeeda Alle u dhawaaw oo sameey acmaal aad ka heleyso ajar badan, waayo bilahan xurmeysan ajarka waa laguu sii labalaabayaa in kabadan bilaha caadiga ah.๐ŸŒธ

๐Ÿ•Œ⭐๐ŸŒ™

๐ŸŒฑRajab oo dhalatay micnaheeda waa ajar badan oo bilawday iyo arsaaq aan kala joogsi laheyn, iyo kheyr badan oo soo siyaaday, iyo raxmad eebe, ee aan joogteyno towbada iyo soonka khamiis iyo isniin, iyo salaadltulleylka, iyo salaatu duxa, iyo sadaqada iyo camal walba oon qaban karno si aan u helno ajar farabadan iyo u dhawaanshiyaha rabbi.๐ŸŒธ

๐Ÿ•Œ⭐๐ŸŒ™

๐ŸŒฑIlaahoow noo barakee Rajab iyo Shacbaan oo na gaarsii Ramadaan ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ

๐Ÿ•Œ⭐๐ŸŒ™

๐ŸŒฑIlaahayow nooga dhig bil kheyr qabta ood nagu siiso arsaaq badan iyo kheyr badan iyo caafimaad badan ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ



Friday, 7 November 2025

Dhacdo dhab ah oo ka dhacday magalada Mogadishu

Dabayaaqadii 2020 ano bajaj wato gabar kasoo qaaday odweyne Waxayna ii sheektay inay usocoto jardiinka gabadha wajigeeda farxad Kama muuqan cabaarka bacdi jaam ku galnay warshadaha Waxaan arkay gabadhii oo isla hadlaysa fikirayda oo murukaysan waan waydiiyey inay iisheekto waxa haysta hadii aan wax u qaban karo aan u qabtee caabar ay ika xishooneysay Waxay ii sheektay in Wiil ay zxp ahaayeen vedio kahaayo oo musqul gurigiisa camera ugu xiray xili ay school kayimaadeen owna habeen walbo ku cabsiiyo caawana ow u sheekay hadaysan Waxow rabo siin inow so qarxin doono Waxaan iri waalidkaa maa u sheektit Waxay dhahday walal malihi hooyo iyo aabana waa dhinteen gabar iga wayn nin qabaa lajookaa Waa Maxay Waxaan way diiyey inow hada kahor guri ugu wacday oo ay waxow rabay siisay maya ay tiri Lkn Caawa waan ku qasbanahay isdaji Aby ayaan dhahay anaa walal iyo waalid kuu ah Waxaan Wacay mid zxbkey ah waxaana iri soo bood zxp waan is raacnay gabadhiina Waxaan iri wiilka wac banaankaa taakanahay dheh markow soo baxay anaa mootada kasoo takay wiilku waa da aada 20 23 waxaa iri adna hays dilin Hana is ceebeyn Ana gacan ku dhiigle hayka dhigin ee soo bax Meel xakaa intaa keeyey oo vediokii delete ka iri meel walba oo taleefankii remove store aan Waxba ku harayn ka iri aan iri cafis waydiiso gabadhaan way cafiday hooyadiis oo guriga ku jirtay aan u geeyey wiilkii waxaana iri wiilkaan gabartaa Ila dhalatay oo camera musqul ugu xiray hadaa vedio keeda banaanka ku arko waxaa ogaataa inay maalinkaa aduun kuuku danbaydo gabartaasna tellkeeda haysku soo wicin mar danbe maa madii way iska oydey markay maqashay waxayna dhahday gabar aan dhalay ayaa habeeno kahor lasoo qarxiyey Waana isha gabartaa yar ee walalked xumeyey Gabadhii maalinkaas kabacdi walal keed camal iila dhaqantaa Hada Waxay jooktaa Australia ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡บ ow nin ku guursaday sheekadaan waxaa iika sheekeeyey zxbkey cali baashi bajaajle 9sano bajaaj waday oon ayaan dhexe waydiiyey Maxaa kuula yaab badnaa intaa waday mootadaas Inan Ragow dumarka unaxariista

Tuesday, 30 September 2025

Airspace✈️๐Ÿ›ซ๐Ÿ›ฌ

 ‎Hawada Soomaaliya ( Airspace ) 

‎Sida ay ugu gudubtay class A, maalin walba hawada Soomaaliya waxaa dul mara oo isticmaala qiyaastii 400–600 diyaaradood oo caalami ah.

‎Sida caadiga ah, diyaaradaha waxaa laga qaadaa khidmad isticmaalka hawada (Air Navigation Charges) oo lagu saleeyo masaafo la cabbiro Nautical Miles (NM). Qiimaha caadiga ah waa $61, boqol-kii nautical miles 

‎Maadaama hawada Soomaaliya lagu qiyaaso inay tahay 500 NM, diyaaraddiiba waxaa laga qaadaa: ‎$61×5 = $305

‎Haddaba, haddii maalin walba hawada Soomaaliya isticmaalaan ugu yaraan 500 diyaaradood:

‎$305×500 = $152,500

‎Taasi waxay la macno tahay:

‎Maalin walba in laga helo ugu yaraan: $152,500

‎Bishii (30 maalmood): $4.58 Milyan

‎Sanadkii (12 bilood): $54.9 Milyan

Lacagtaas, ciidanka milatariga dowlada federal-ka ee active-ka ah misna diiwaan gashan inta mushaarkooda bil walba laga bixiyo ayaa inta soo hartana lagu maareyn karaa howlaha civil aviation-ka, ma loo baahno in mushaar looga soo tuugsado international community !

Sunday, 31 August 2025

Hurdo La’aanta: Saameynta Ay Ku Yeelato Caafimaadka Maskaxda iyo Jirka

 Hordhac

Hurdo wanaagsan waa qayb muhiim u ah caafimaadka guud ee qofka. Marka hurdadu yaraato ama qofku la kulmo hurdo la’aan, jirka iyo maskaxdu si sax ah uma shaqeeyaan. Qormadan waxaan ku eegaynaa saameynta hurdo la’aanta iyo sida ay u dhaawacdo caafimaadka maskaxda iyo jirka, iyo talooyin lagu hagaajin karo hurdada.





1. Hurdo La’aanta iyo Caafimaadka Maskaxda



Hurdo wanaagsan ayaa muhiim u ah maskaxda si ay xog cusub u kaydiso, isla markaana u nasato. Laakiin hurdo la’aanta waxay keentaa:


  • Xusuus iyo diirad daciif ah – Waxbarashada iyo shaqadu waxay noqdaan kuwo aan tayo lahayn.
  • Walaac iyo niyad-jab – Dadka hurdada ku yar ayaa u nugul welwel iyo niyad-jab.
  • Shucuur aan degganayn – Hurdo la’aantu waxay yaraysaa awoodda maskaxda ee xakamaynta dareenka.






2. Hurdo La’aanta iyo Caafimaadka Jirka



Jirka wuxuu u baahan yahay hurdo wanaagsan si uu u shaqeeyo. Haddii hurdada la waayo:


  • Difaaca jirka wuu daciifaa, qofkuna wuxuu u nuglaadaa cudurro iyo caabuqyo.
  • Wadne xanuun iyo dhiig kar ayaa kordha.
  • Sonkorow iyo cayil – Hurdada oo yaraata waxay beddeshaa hormoonnada gaajada, taas oo kordhisa rabitaanka cunto.
  • Daal iyo tabar darri – Tamarta jirku hoos bay u dhacdaa, qofkuna wuu daalaa daal joogto ah.






3. Cawaaqibta Mudada Dheer ee Hurdo La’aanta



Haddii hurdo la’aantu noqoto mid joogto ah, waxay kordhisaa halista:


  • Sonkorow nooca 2-aad
  • Wadne xanuun iyo istaroog
  • Cimri gaaban marka la barbardhigo dadka helaya hurdo wanaagsan






4. Talooyin Lagu Hagaajin Karo Hurdada



  • Samee jadwal joogto ah oo hurdo iyo soo jeed ah.
  • Ka fogow shaashadaha iyo cabitaanada kafee leh habeenkii.
  • Jimicsi fudud samee maalintii.
  • Samee qol hurdo ku habboon (qaboow, aamusnaan, iftiin yar).
  • Haddii hurdo la’aanta ay noqoto mid joogto ah, la xiriir dhakhtar.





Gunaanad

Hurdo wanaagsan waa maalgelin caafimaad oo ilaalisa maskaxda iyo jirka. Haddii aad dareento hurdo la’aan soo noqnoqota, ku dadaal inaad qaadato talaabooyin hagaajin kara hurdadaada, si aad u hesho caafimaad, firfircooni, iyo nolol dheellitiran.


Tuesday, 26 August 2025

๐ŸŒ… Ducada Subaxda ee Barakooyinka Soo Jiidato

 Subax kasta waa bilow cusub oo nololeed, waxaana muhiim ah in qof Muslim ahi uu subax walba ku bilaabo ducada iyo xasuusinta Eebbe. Ducadu waxay furtaa barako, nabad iyo guul, sidoo kale waxay qofka ka ilaalisaa sharta iyo dhibaatooyinka maalinta.


Qof kasta oo Muslim ah waa in uu subax kasta qalbigiisa ku xiro Alle, si noloshiisu u noqoto mid iftiin iyo barako leh.





๐Ÿคฒ Ducada Subaxda




1. Ducada Nabiga (SCW) ee subaxda:



ุงู„ู„ู‡ู… ุจูƒ ุฃุตุจุญู†ุง ูˆุจูƒ ุฃู…ุณูŠู†ุง ูˆุจูƒ ู†ุญูŠุง ูˆุจูƒ ู†ู…ูˆุช ูˆุฅู„ูŠูƒ ุงู„ู†ุดูˆุฑ


Turjumaad:

“Ilaahow, adiga ayaanu ku soo subaxnay, adiga ayaanu ku galnay, adiga ayaanu ku noolnahay, adiga ayaanu ku dhimanaynaa, adigaa ayaanu ugu noqoneynaa.”





2. Ducada ilaalinta subaxda:



ุจุณู… ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฐูŠ ู„ุง ูŠุถุฑ ู…ุน ุงุณู…ู‡ ุดูŠุก ููŠ ุงู„ุฃุฑุถ ูˆู„ุง ููŠ ุงู„ุณู…ุงุก ูˆู‡ูˆ ุงู„ุณู…ูŠุน ุงู„ุนู„ูŠู… (3 jeer)


Turjumaad:

“Magaca Ilaah ayaan ku bilaabayaa, kaas oo magaca kaliya aan waxyeello ku yeelan karin wax ku sugan dhulka iyo cirka midna, isagaa maqal badan oo cilmi badan ah.”





3. Ducada barakada raadinta:



ุงู„ู„ู‡ู… ุฅู†ูŠ ุฃุณุฃู„ูƒ ุนู„ู…ุงً ู†ุงูุนุงً، ูˆุฑุฒู‚ุงً ุทูŠุจุงً، ูˆุนู…ู„ุงً ู…ุชู‚ุจู„ุงً


Turjumaad:

“Ilaahow waxaan kaa baryayaa cilmiga waxtarka leh, rizqi xalaal ah iyo camal la aqbalo.”





๐ŸŒธ Faa’iidooyinka Ducada Subaxda



  • Waxay qofka ka ilaalisaa sharta jinka iyo insiga.
  • Waxay furtaa barako maalinta oo dhan.
  • Waxay qalbiga ku beerataa degenaansho iyo nabad.
  • Waxay qofka xasuusisaa in uu noloshiisa iyo maalintiisa u dhiibo gacanta Alle.






✨ Gunaanad



Subax kasta oo aad ku bilowdo ducada iyo xusuusta Ilaahay, waxaad maalin walba la kulmi doontaa barako, nabad iyo farxad. Qofka Muslimka ahi waa in uusan hilmaamin ducada subaxda, maxaa yeelay waa furaha guusha iyo difaaca ugu weyn ee Ilaahay bixiyo.


Saturday, 23 August 2025

ุงู„ุญูŠุงุก ุฒูŠู†ุฉ ุงู„ู…ุฑุฃุฉ ูˆุฌู…ุงู„ู‡ุง♥️๐ŸŒป

Xishoodku waa aas aas quruxda gabadha muslimadaa sababtoo markay tahay gabar xishood badan waxa meesha ka baxaya tabarujkii iyo inay qaawani ku faanto ikhtilaadkii iyo dhex galkii ragga sidoo kale inay meel walba oo aysan ku haboonayn ka muuqato iyo dhaqan walba oo khilaafsan shareecada xishoodkeeda ayaana u noqonaya dayr ama darbi celinaya kana hor istaagaya dhaqan xumo walba iyo inay mafaatinteeda muujiso sidaas ayayna ku noqonaysaa gabar dhawrsan oo aan u bareerin wax walboo aan rabigeed raali ka ahayn sharafkeeda iyo karaamadeedana dhaawici kara ❤️


Noqo gabar xishood iyo edeb ku tilmaaman  kana dhowrso wax walba oo alle kaa reebay

ogsonowna in hadba inta aad asturan tahayna ay muujinayso heerka xishoodkaaga iyo akhlaaqdaada wanaagsani ay joogto ๐Ÿฅฐ

Thursday, 14 August 2025

Faaidooyinka ay ledahy { Suuratul- Baqra }


  ุณูˆุฑุฉ ุงู„ุจู‚ุฑุฉ:-


Hadii aad bilaawdo aqrinta suuratul- Baqra ood joogteysa aqrintedana waxaad nolashada ku arkeysa cajaaib dunyaa.... waxa ka mida faaidoyinka aad ka arkeyso markia ad jogteyso suradaas 


1:- Waxuu ilaahey ku barakeynaya ( Nolashaada,Gurigaga,Cafimaadkaga,Maalkaga iyo ehelkaga dhamaaan ) alle ayaa ku barakeynayo.

 

2:- Waxa ka cararyo shayadiinta , sixirka , isha iyo xaasidka waxey ka cararayan gurigaga iyo naftadaba .


3:- Waxad ka heleysa xaraf walba aad aqriso ajar waxadna noqaneysa qof ka fogaaday macaasida iyo dunuubta waxad noqaneysa qof xumaano dhan ka dhowrsan...


4:- Way ku shafeeca qaadeysa maalinka qiyaamo waxeyna ku noqaneysa hoos ...


5:- waxuu ilaahey kugu rumeynayaa riyonyinkaga iyo Duconyinkaga aad qabtay waxeyna ku sahleysa wax kasta aad ku hamiso in alle ku siiyo ayado khyrbdn ku xariira ...


6:- Waxa ku jira labada aayadod ee ugu danbeyo quraanka kuwaas oo ka kaafinayo Wax walbo dhibaata ah .

{ ุขู…َู†َ ุงู„ุฑَّุณُูˆู„ُ ุจِู…َุง ุฃُู†ْุฒِู„َ ุฅِู„َูŠْู‡ِ ู…ِู†ْ ุฑَุจِّู‡ِ ูˆَุงู„ْู…ُุคْู…ِู†ُูˆู†َ ูƒُู„ٌّ ุขู…َู†َ ุจِุงู„ู„َّู‡ِ ูˆَู…َู„َุงุฆِูƒَุชِู‡ِ ูˆَูƒُุชُุจِู‡ِ ูˆَุฑُุณُู„ِู‡ِ ู„َุง ู†ُูَุฑِّู‚ُ ุจَูŠْู†َ ุฃَุญَุฏٍ ู…ِู†ْ ุฑُุณُู„ِู‡ِ ูˆَู‚َุงู„ُูˆุง ุณَู…ِุนْู†َุง ูˆَุฃَุทَุนْู†َุง ุบُูْุฑَุงู†َูƒَ ุฑَุจَّู†َุง ูˆَุฅِู„َูŠْูƒَ ุงู„ْู…َุตِูŠุฑُ ۝ ู„َุง ูŠُูƒَู„ِّูُ ุงู„ู„َّู‡ُ ู†َูْุณًุง ุฅِู„َّุง ูˆُุณْุนَู‡َุง ู„َู‡َุง ู…َุง ูƒَุณَุจَุชْ ูˆَุนَู„َูŠْู‡َุง ู…َุง ุงูƒْุชَุณَุจَุชْ ุฑَุจَّู†َุง ู„َุง ุชُุคَุงุฎِุฐْู†َุง ุฅِู†ْ ู†َุณِูŠู†َุง ุฃَูˆْ ุฃَุฎْุทَุฃْู†َุง ุฑَุจَّู†َุง ูˆَู„َุง ุชَุญْู…ِู„ْ ุนَู„َูŠْู†َุง ุฅِุตْุฑًุง ูƒَู…َุง ุญَู…َู„ْุชَู‡ُ ุนَู„َู‰ ุงู„َّุฐِูŠู†َ ู…ِู†ْ ู‚َุจْู„ِู†َุง ุฑَุจَّู†َุง ูˆَู„َุง ุชُุญَู…ِّู„ْู†َุง ู…َุง ู„َุง ุทَุงู‚َุฉَ ู„َู†َุง ุจِู‡ِ ูˆَุงุนْูُ ุนَู†َّุง ูˆَุงุบْูِุฑْ ู„َู†َุง ูˆَุงุฑْุญَู…ْู†َุง ุฃَู†ْุชَ ู…َูˆْู„َุงู†َุง ูَุงู†ْุตُุฑْู†َุง ุนَู„َู‰ ุงู„ْู‚َูˆْู…ِ ุงู„ْูƒَุงูِุฑِูŠู†َ } 

[ุงู„ุจู‚ุฑุฉ:285- 286]


7:- Waxey sabab u noqaneysa aaqiro inaad ku gasho janada oo waxa ku jirta suradaan ( Aayatul kursi ) aayadas oo nabigena ku dardaarmay in salaad kasta dabaded la aqriyo qofki aqriyana asaga iyo janada geeri uun u dhaxeyso oo jana loogu balan qaaday.


﴿ ุงู„ู„َّู‡ُ ู„َุง ุฅِู„َٰู‡َ ุฅِู„َّุง ู‡ُูˆَ ุงู„ْุญَูŠُّ ุงู„ْู‚َูŠُّูˆู…ُ ۚ ู„َุง ุชَุฃْุฎُุฐُู‡ُ ุณِู†َุฉٌ ูˆَู„َุง ู†َูˆْู…ٌ ۚ ู„َّู‡ُ ู…َุง ูِูŠ ุงู„ุณَّู…َุงูˆَุงุชِ ูˆَู…َุง ูِูŠ ุงู„ْุฃَุฑْุถِ ۗ ู…َู† ุฐَุง ุงู„َّุฐِูŠ ูŠَุดْูَุนُ ุนِู†ุฏَู‡ُ ุฅِู„َّุง ุจِุฅِุฐْู†ِู‡ِ ۚ ูŠَุนْู„َู…ُ ู…َุง ุจَูŠْู†َ ุฃَูŠْุฏِูŠู‡ِู…ْ ูˆَู…َุง ุฎَู„ْูَู‡ُู…ْ ۖ ูˆَู„َุง ูŠُุญِูŠุทُูˆู†َ ุจِุดَูŠْุกٍ ู…ِّู†ْ ุนِู„ْู…ِู‡ِ ุฅِู„َّุง ุจِู…َุง ุดَุงุกَ ۚ ูˆَุณِุนَ ูƒُุฑْุณِูŠُّู‡ُ ุงู„ุณَّู…َุงูˆَุงุชِ ูˆَุงู„ْุฃَุฑْุถَ ۖ ูˆَู„َุง ูŠَุฆُูˆุฏُู‡ُ ุญِูْุธُู‡ُู…َุง ۚ ูˆَู‡ُูˆَ ุงู„ْุนَู„ِูŠُّ ุงู„ْุนَุธِูŠู…ُ﴾

[ ุงู„ุจู‚ุฑุฉ: 255]


Nabiga scw waxuu ka dhahy oo laga so wariyay 


 ุนู† ุฃุจูŠ ุฃู…ุงู…ุฉ ุฑุถูŠ ุงู„ู„ู‡ ุนู†ู‡ ู‚ุงู„: ุณู…ุนุช ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ -ุตู„ู‰ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ูŠู‡ ูˆุณู„ู…- ูŠู‚ูˆู„: (ุงู‚ุฑุฃูˆุง ุณูˆุฑุฉ ุงู„ุจู‚ุฑุฉ، ูุฅู† ุฃุฎุฐู‡ุง ุจุฑูƒุฉ، ูˆุชุฑูƒู‡ุง ุญุณุฑุฉ، ูˆู„ุง ุชุณุชุทูŠุนู‡ุง ุงู„ุจَุทَู„َุฉ) ุฑูˆุงู‡ ู…ุณู„ู…. 


Akhriya suuradda Al-Baqarah, haddii aad qaadato waa barako hadi aad ka tagtaa waa qoomamo, saaxiriintii iyo saaxiriintiina kama adkaan karaan. 


Walal hadi aad bilawdo aqirnteda ha joojin ..