Waa bilaabatay bisha #rajab ♥️
Rajab waa bishi ay nabiga scw iyo saxaabada rc ku samiyeen: الشهر الأصب
🌱
Waayo Allah sw wuxuu shubaa risqiga iyo kheyrka shubitaan aan caadi aheyn.
🌱
Waxayna arki jireen in bish Rajab ay arsaaqadooda siyaadi jirtay, kuwooda xanuunsanna ay caafimaadi jireen.
🌱
Markaas ayey badin jireen ducada si Alle uga aqbalo oy u liibaanaan.
🌱
🌱Hadduu soon hore kuu harsanyahay haddaba bilaaw qallahiisa ilaahey la kaasho oo dhexda xero wuu kuu fududaan insha allaah.🌸
🕌⭐🌙
🌱Rajab waa bisha beerashada, shacbaanna waa bisha waraabinta, ramadaanna waa bisha gurashada miraha, ee aan bishan beerano acmaasha wan wanaagsan oo aan hadda sii bilaawno ku camal falkooda si aan bisha shacbaanna usii joogteyno bisha ramadaanna ugu aflaxno oo aan u gaarno anaga oo diyaarsan oo awoodna gudashadeeda.🌸
🕌⭐🌙
🌱Nafta waxay u baahantahay diyaarin ramadaanna wuxu u baahanyahay u diyaar garow aad u balaaran iyo inaa sii laba jibaarto dadaalkaaga si naftaada aad usii edbiso cibaadadana ay kuugu sahlanaato .🌸
🕌⭐🌙
🌱Bisha rajab waxay kamid tahay bilaha uu Alle xurmeeyay, ee ka fogoow dunuubta iyo macaasida kuwooda ugu yar iyo kuwooda ugu weynba, waayo macaasida aad ku dhex sameyso bilaha xurmeysan wey ka weyni badanyihiin weyna ka culeys badanyihiin kuwa aad samsyso bilaha kale ee caadiga ah, waayo bilo uu Alle xurmeeyay ayaad adna xurmeyn waysay, iska jooji heesaha, xanta iyo xumaanta iyo inaa qof dulmiso intaba.
Oo taa badalkeeda Alle u dhawaaw oo sameey acmaal aad ka heleyso ajar badan, waayo bilahan xurmeysan ajarka waa laguu sii labalaabayaa in kabadan bilaha caadiga ah.🌸
🕌⭐🌙
🌱Rajab oo dhalatay micnaheeda waa ajar badan oo bilawday iyo arsaaq aan kala joogsi laheyn, iyo kheyr badan oo soo siyaaday, iyo raxmad eebe, ee aan joogteyno towbada iyo soonka khamiis iyo isniin, iyo salaadltulleylka, iyo salaatu duxa, iyo sadaqada iyo camal walba oon qaban karno si aan u helno ajar farabadan iyo u dhawaanshiyaha rabbi.🌸
🕌⭐🌙
🌱Ilaahoow noo barakee Rajab iyo Shacbaan oo na gaarsii Ramadaan 🤲🤲
🕌⭐🌙
🌱Ilaahayow nooga dhig bil kheyr qabta ood nagu siiso arsaaq badan iyo kheyr badan iyo caafimaad badan 🤲🤲🤲
No comments:
Post a Comment