Saturday, 23 August 2025

الحياء زينة المرأة وجمالها♥️🌻

Xishoodku waa aas aas quruxda gabadha muslimadaa sababtoo markay tahay gabar xishood badan waxa meesha ka baxaya tabarujkii iyo inay qaawani ku faanto ikhtilaadkii iyo dhex galkii ragga sidoo kale inay meel walba oo aysan ku haboonayn ka muuqato iyo dhaqan walba oo khilaafsan shareecada xishoodkeeda ayaana u noqonaya dayr ama darbi celinaya kana hor istaagaya dhaqan xumo walba iyo inay mafaatinteeda muujiso sidaas ayayna ku noqonaysaa gabar dhawrsan oo aan u bareerin wax walboo aan rabigeed raali ka ahayn sharafkeeda iyo karaamadeedana dhaawici kara ❤️


Noqo gabar xishood iyo edeb ku tilmaaman  kana dhowrso wax walba oo alle kaa reebay

ogsonowna in hadba inta aad asturan tahayna ay muujinayso heerka xishoodkaaga iyo akhlaaqdaada wanaagsani ay joogto 🥰

No comments:

Post a Comment