Sunday, 31 August 2025

Hurdo La’aanta: Saameynta Ay Ku Yeelato Caafimaadka Maskaxda iyo Jirka

 Hordhac

Hurdo wanaagsan waa qayb muhiim u ah caafimaadka guud ee qofka. Marka hurdadu yaraato ama qofku la kulmo hurdo la’aan, jirka iyo maskaxdu si sax ah uma shaqeeyaan. Qormadan waxaan ku eegaynaa saameynta hurdo la’aanta iyo sida ay u dhaawacdo caafimaadka maskaxda iyo jirka, iyo talooyin lagu hagaajin karo hurdada.





1. Hurdo La’aanta iyo Caafimaadka Maskaxda



Hurdo wanaagsan ayaa muhiim u ah maskaxda si ay xog cusub u kaydiso, isla markaana u nasato. Laakiin hurdo la’aanta waxay keentaa:


  • Xusuus iyo diirad daciif ah – Waxbarashada iyo shaqadu waxay noqdaan kuwo aan tayo lahayn.
  • Walaac iyo niyad-jab – Dadka hurdada ku yar ayaa u nugul welwel iyo niyad-jab.
  • Shucuur aan degganayn – Hurdo la’aantu waxay yaraysaa awoodda maskaxda ee xakamaynta dareenka.






2. Hurdo La’aanta iyo Caafimaadka Jirka



Jirka wuxuu u baahan yahay hurdo wanaagsan si uu u shaqeeyo. Haddii hurdada la waayo:


  • Difaaca jirka wuu daciifaa, qofkuna wuxuu u nuglaadaa cudurro iyo caabuqyo.
  • Wadne xanuun iyo dhiig kar ayaa kordha.
  • Sonkorow iyo cayil – Hurdada oo yaraata waxay beddeshaa hormoonnada gaajada, taas oo kordhisa rabitaanka cunto.
  • Daal iyo tabar darri – Tamarta jirku hoos bay u dhacdaa, qofkuna wuu daalaa daal joogto ah.






3. Cawaaqibta Mudada Dheer ee Hurdo La’aanta



Haddii hurdo la’aantu noqoto mid joogto ah, waxay kordhisaa halista:


  • Sonkorow nooca 2-aad
  • Wadne xanuun iyo istaroog
  • Cimri gaaban marka la barbardhigo dadka helaya hurdo wanaagsan






4. Talooyin Lagu Hagaajin Karo Hurdada



  • Samee jadwal joogto ah oo hurdo iyo soo jeed ah.
  • Ka fogow shaashadaha iyo cabitaanada kafee leh habeenkii.
  • Jimicsi fudud samee maalintii.
  • Samee qol hurdo ku habboon (qaboow, aamusnaan, iftiin yar).
  • Haddii hurdo la’aanta ay noqoto mid joogto ah, la xiriir dhakhtar.





Gunaanad

Hurdo wanaagsan waa maalgelin caafimaad oo ilaalisa maskaxda iyo jirka. Haddii aad dareento hurdo la’aan soo noqnoqota, ku dadaal inaad qaadato talaabooyin hagaajin kara hurdadaada, si aad u hesho caafimaad, firfircooni, iyo nolol dheellitiran.


Tuesday, 26 August 2025

🌅 Ducada Subaxda ee Barakooyinka Soo Jiidato

 Subax kasta waa bilow cusub oo nololeed, waxaana muhiim ah in qof Muslim ahi uu subax walba ku bilaabo ducada iyo xasuusinta Eebbe. Ducadu waxay furtaa barako, nabad iyo guul, sidoo kale waxay qofka ka ilaalisaa sharta iyo dhibaatooyinka maalinta.


Qof kasta oo Muslim ah waa in uu subax kasta qalbigiisa ku xiro Alle, si noloshiisu u noqoto mid iftiin iyo barako leh.





🤲 Ducada Subaxda




1. Ducada Nabiga (SCW) ee subaxda:



اللهم بك أصبحنا وبك أمسينا وبك نحيا وبك نموت وإليك النشور


Turjumaad:

“Ilaahow, adiga ayaanu ku soo subaxnay, adiga ayaanu ku galnay, adiga ayaanu ku noolnahay, adiga ayaanu ku dhimanaynaa, adigaa ayaanu ugu noqoneynaa.”





2. Ducada ilaalinta subaxda:



بسم الله الذي لا يضر مع اسمه شيء في الأرض ولا في السماء وهو السميع العليم (3 jeer)


Turjumaad:

“Magaca Ilaah ayaan ku bilaabayaa, kaas oo magaca kaliya aan waxyeello ku yeelan karin wax ku sugan dhulka iyo cirka midna, isagaa maqal badan oo cilmi badan ah.”





3. Ducada barakada raadinta:



اللهم إني أسألك علماً نافعاً، ورزقاً طيباً، وعملاً متقبلاً


Turjumaad:

“Ilaahow waxaan kaa baryayaa cilmiga waxtarka leh, rizqi xalaal ah iyo camal la aqbalo.”





🌸 Faa’iidooyinka Ducada Subaxda



  • Waxay qofka ka ilaalisaa sharta jinka iyo insiga.
  • Waxay furtaa barako maalinta oo dhan.
  • Waxay qalbiga ku beerataa degenaansho iyo nabad.
  • Waxay qofka xasuusisaa in uu noloshiisa iyo maalintiisa u dhiibo gacanta Alle.






✨ Gunaanad



Subax kasta oo aad ku bilowdo ducada iyo xusuusta Ilaahay, waxaad maalin walba la kulmi doontaa barako, nabad iyo farxad. Qofka Muslimka ahi waa in uusan hilmaamin ducada subaxda, maxaa yeelay waa furaha guusha iyo difaaca ugu weyn ee Ilaahay bixiyo.


Saturday, 23 August 2025

الحياء زينة المرأة وجمالها♥️🌻

Xishoodku waa aas aas quruxda gabadha muslimadaa sababtoo markay tahay gabar xishood badan waxa meesha ka baxaya tabarujkii iyo inay qaawani ku faanto ikhtilaadkii iyo dhex galkii ragga sidoo kale inay meel walba oo aysan ku haboonayn ka muuqato iyo dhaqan walba oo khilaafsan shareecada xishoodkeeda ayaana u noqonaya dayr ama darbi celinaya kana hor istaagaya dhaqan xumo walba iyo inay mafaatinteeda muujiso sidaas ayayna ku noqonaysaa gabar dhawrsan oo aan u bareerin wax walboo aan rabigeed raali ka ahayn sharafkeeda iyo karaamadeedana dhaawici kara ❤️


Noqo gabar xishood iyo edeb ku tilmaaman  kana dhowrso wax walba oo alle kaa reebay

ogsonowna in hadba inta aad asturan tahayna ay muujinayso heerka xishoodkaaga iyo akhlaaqdaada wanaagsani ay joogto 🥰

Thursday, 14 August 2025

Faaidooyinka ay ledahy { Suuratul- Baqra }


  سورة البقرة:-


Hadii aad bilaawdo aqrinta suuratul- Baqra ood joogteysa aqrintedana waxaad nolashada ku arkeysa cajaaib dunyaa.... waxa ka mida faaidoyinka aad ka arkeyso markia ad jogteyso suradaas 


1:- Waxuu ilaahey ku barakeynaya ( Nolashaada,Gurigaga,Cafimaadkaga,Maalkaga iyo ehelkaga dhamaaan ) alle ayaa ku barakeynayo.

 

2:- Waxa ka cararyo shayadiinta , sixirka , isha iyo xaasidka waxey ka cararayan gurigaga iyo naftadaba .


3:- Waxad ka heleysa xaraf walba aad aqriso ajar waxadna noqaneysa qof ka fogaaday macaasida iyo dunuubta waxad noqaneysa qof xumaano dhan ka dhowrsan...


4:- Way ku shafeeca qaadeysa maalinka qiyaamo waxeyna ku noqaneysa hoos ...


5:- waxuu ilaahey kugu rumeynayaa riyonyinkaga iyo Duconyinkaga aad qabtay waxeyna ku sahleysa wax kasta aad ku hamiso in alle ku siiyo ayado khyrbdn ku xariira ...


6:- Waxa ku jira labada aayadod ee ugu danbeyo quraanka kuwaas oo ka kaafinayo Wax walbo dhibaata ah .

{ آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْ رُسُلِهِ وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ ۝ لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِنَا رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا أَنْتَ مَوْلَانَا فَانْصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ } 

[البقرة:285- 286]


7:- Waxey sabab u noqaneysa aaqiro inaad ku gasho janada oo waxa ku jirta suradaan ( Aayatul kursi ) aayadas oo nabigena ku dardaarmay in salaad kasta dabaded la aqriyo qofki aqriyana asaga iyo janada geeri uun u dhaxeyso oo jana loogu balan qaaday.


﴿ اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚ لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِندَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ ۚ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۖ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ﴾

[ البقرة: 255]


Nabiga scw waxuu ka dhahy oo laga so wariyay 


 عن أبي أمامة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله -صلى الله عليه وسلم- يقول: (اقرأوا سورة البقرة، فإن أخذها بركة، وتركها حسرة، ولا تستطيعها البَطَلَة) رواه مسلم. 


Akhriya suuradda Al-Baqarah, haddii aad qaadato waa barako hadi aad ka tagtaa waa qoomamo, saaxiriintii iyo saaxiriintiina kama adkaan karaan. 


Walal hadi aad bilawdo aqirnteda ha joojin ..

Monday, 4 August 2025

Lambarka layaabka leh ee culumada la yaabeen waa: 7

 


Lambarka layaabka leh ee culumada la yaabeen waa: 7


(Waa xikmad ka timid Ilaahay — Subxaanahu watacaalaa)


1. Albaabada Naarta: 7


2. Badda: 7


3. Maalmaha todobaadka: 7


4. Samooyinka: 7


5. Lakabyada dhulka: 7


6. Mucjisooyinka dunida: 7


7. Qaaradda adduunka: 7


8. Aayadaha suuradda Faatixada: 7


9. Midabada qaansoroobaadk: 7


10. Wareegga Kacbada (dawaafka): 7


11. Takbiirada labada ciid: 7


12. Sanadka ilmaha in salaada la baro nala faray: 7


13. Macdanta ugu weyn dhulka: 7


14. Wareega Safa iyo Marwa: 7


15. Midabada iftiinka muuqda: 7


16. U duulidda shimbiraha ee qaab ahaan: 7


17. Xiddigaha noocyadooda aasaasiga ah: 7


18. Heerarka ay elektronku maraan (orbitals): 7


19. Fallaaraha nuurka infrared-ka ee muuqda: 7


20. Kuwa Ilaahay qiyaamaha hooskiisa hadhsani doono: 7


21. Dhagaxaanta la tuurto xilliga Xajka (Jamaraat): 7


22. Erayada Kalimada Shahaadada: 7


---


Ma ogtahay in tirada erayada Shahaadada (Laa ilaaha illa Allaah Maxamed rasuulullaah) ay yihiin 7?

Subxaanallah!