Nabi Muuse Cs markii uu ka cararay Masar kadib dilkii uu geystay uuna tagay dhulkii Madyan, wuxuu ka caawiyay laba gabdhood in ay waraabiyaan xoolahooda, markii uu ka caawiyay, waxay u tageen aabahood(Nabi Shuceyb Cs), markaas mid ka mid ah gabdhaha ayaa u timid si ay ugu yeerto Nabi Muuse (CS), isagoo aabaheed doonayay in uu u mahadnaqo oo uu shaqo siiyo.
Gabadhii markay u timid Nabi Muuse waxay u socotay si edeb leh oo xishood leh.
Taas waxaa laga baranayaa:
-In xishoodku yahay akhlaaq wanaagsan, gaar ahaan dumarka.
-Qur’aanku wuxuu si gaar ah u xusay xishoodka gabadha, taasoo tilmaamaysa sharafta, cibaadada, iyo edebta ku jirta xishoodkooda.
Darsiga laga qaadanayo:
-Xishoodku waa astaan qurux badan oo mu’minka lagu tilmaamo, gaar ahaan dumarka.
-Markaad dadka wax waydiisaneyso ama la macaamileyso, edeb iyo xishood ayaa la rabaa.
-Nabi Muuse Cs wuxuu ahaa qof naxariis badan oo dadka caawin jiray, taas oo sababtay in Alle u furo albaab nololeed cusub.✍️
No comments:
Post a Comment